[Akhriso] :- Qaabka Wareega Wareegga 8-Da La Isugu Soo Beegmay Tartanka Koobka Adduunka

0
Wednesday July 04, 2018 - 09:26:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Akhriso] :- Qaabka Wareega Wareegga 8-Da La Isugu Soo Beegmay Tartanka Koobka Adduunka

    Moscow (Ilays-News):- Waxaa xalay la soo gabagabeeyay ciyaartii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Moscow (Ilays-News):- Waxaa xalay la soo gabagabeeyay ciyaartii

u dambeysay ee wareega 16-ka, iyadoo xulka Ingiriiska uu rigoorayaal ugu soo baxay wareegga 8-da , kaddib markii uu ka adkaaday xulka Colombia.

Image result for world cup 2018



Ciyaartii dhex martay xulalka Ingiriiska iyo Colombia ayaa la isla dhaafi waayay 90-kii daqiiqo 1-1, waxaana lagu daray 30 daqiiqo dheeraad ah, hase ahaatee wax goolal ah ma aanay iska gelin.


Intaas kaddib ayaa waxaa loo dhigay rigoorayaa, waxaana Ingiriiska uu rigoorayaashii la dhigay ku badiyay 4 iyo 3, waxaana xulka Colombia iska lumiyeen fursad soo martay oo ay kaga faa’ideysan lahaayeen rigoore ay iska khasaariyeen Ingiriiska, balse Colombia ayaa labo rigoore isku xigtay iska khasaariyay, taasoo Ingiriiska rajadooda soo nooleysay, ugu dambeyn rigoorayaasha ku badiyay.


8 dal ayaa u soo gudbay wareegga Quarter Finalka ama afar dhamaadka, waxaana ay kulamada qaar ay yihiin kuwo adag oo si aad ah isha loogu haayo.


Haddaba wareegga 8-da waxay xulalka isugu aadeen sidan.

1.France vs Uruguay

2.Brazil vs Belgium

3.Russia vs Croatia

4.England vs Sweden




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip