Lugtii Ugu Horeysay Koobka Kubadda Cagta Aduunka Oo Maanta La Cayaarayo + [ Dalalka Lagu Bilaabi Doono ]

0
Thursday June 14, 2018 - 15:58:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lugtii Ugu Horeysay Koobka Kubadda Cagta Aduunka Oo Maanta La Cayaarayo + [ Dalalka Lagu Bilaabi Doono ]

    Moscow (Ilays-News):- Waxaa maanta dalka Ruusha si rasmi ah uga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Moscow (Ilays-News):- Waxaa maanta dalka Ruusha si rasmi ah uga

furmaya tartanka Kubadda Cagta Aduunka iyadoo lugta ugu horeysay ee tartankan ay isku arki doonaan kooxaha kubadda Cagta dalalka Russia iyo Saudi Arabia.

World Cup


Waxaa lagu wadaa in furitaanka tartanka uu ka qeybgalo madaxweyne Vladimir Putin, waxaana ay munaasabadu ka dhaci doontaa garoonka Luzhniki Stadium oo ku yaalla magaalada Moscow.



Russia ayaa waxaa ay qabashada koobka adduunka ku bixineysaa 13 bilyan oo dollar, ayada oo kulmada ay ka dhacayaan 11 magaalo oo marti-gelinaya.


Kulmada is-aragga hore ayaa soconaya illaa 28-ka June, halka kuwa is reereebka ay ay billaabanayaan 30-ka June. Cayaarta kama dambeysta ah ayaa dhaceysa 15-ka July.


Brazil, France, Spain, Argentina iyo dalka koobka difaacanaya ee Germany ayaa ka mid ah dalalka aadka loogu saadaalinayo in ay koobka hantaan.


Ilaysnews/London Desk

Info@Ilaysnews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip