Raysal Wasaaraha Talyaaniga Oo Si Kulul Uga Jawaabay …

0
Wednesday June 13, 2018 - 14:23:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Talyaaniga Oo Si Kulul Uga Jawaabay …

    France (Ilays-News):- Raysal wasaaraha dalka Taliyaaniga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

France (Ilays-News):- Raysal wasaaraha dalka Taliyaaniga,

 Giuseppe Conte, ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedeeyn uga timid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron.




Madaxweyne Macron ayaa dhaleeceeyay talyaaniga ka dib markii ay diideen in dalkooda uu ku soo xidho Markab siday muhaajiriin laga soo badbaadiyay badda Mediterranean-ka.


Af-hayeen u hadlay madaxwayne Macron ayaa sheegay in go'aanka Taliyaaniga uu yahay mid xushmad darro ah islamarkana qayrul masuulnimo ah.


Balse Mr Conte ayaa sheegay in Talyaaniga aanuaqbali Karin casharo munaafuqnimo oo ka yimid dalal mar walba door bidi jiray inay dhabarka u jeediyaan soogalootiga.


Markankani lagu magacaabo Aquarius, ayaa wali ay arrintiisu taagan tahay iyada oo ay jirto in dowladda Spain ay ogolaatay in uu ku soo xidho dekadda magaalada Valencia.


Shaqaalaha markabkani ayaa waxa ay sheegeen in markabkani aanu gali Karin saddex maalmood oo safar ah iyada oo ay dad badan saaran yihiin.


Ilaysnews/London Desk

Info@Ilaysnews.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip