Maxamed Saalax Oo Shaaciyey In Uu Ka Qeyb Gali Doono Koobka Aduunka Iyo In Kale + [ Akhriso ]

0
Monday May 28, 2018 - 10:40:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Saalax Oo Shaaciyey In Uu Ka Qeyb Gali Doono Koobka Aduunka Iyo In Kale + [ Akhriso ]

    London (Ilays-News):- Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Maxamed Salaax,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (Ilays-News):- Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Maxamed Salaax,

ayaa xaqiijiyey in uu xulka dalkiisa Masar kala qayb geli doono tartanka koobka aduunka ee sanadkan ka dhici doona dalka Ruushka.


Maxamed Salaax ayaa markii dhakhaatiirku u sheegeen natiijada baadhitaankii dhaawacii garabka ka gaadhay laga dawaynayey ka dib, waxa uu qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay shabakadda Twitter-ka ku sheegay in uu u safan doono xulka Qarankiisa.



Qoraalka uu halkaa ku baahiyeyna waxa uu u qornaa sidatan:


"Habeen adag buu ahaa… laakiin waxan ahayn dagaalyahan. Wax kasta oo dhaca se waxaan ku kalsoonahay in aan Ruushka tagi doono si aan dhamaantiin hankiina u dhiso. Kalgacalkiina iyo taageeradiina ayaa awoodda aan u baahanahay i siinaya".


Maxamed Salaax ayaa waxa dhaawacu ka soo gaadhay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka horyaalka Yurub ee ay iskaga hor yimaadeen kooxdiisa Liverpool iyo Real Madrid oo guushu 3-1 ku raacday.


Salaax waxa uu saftay soddonkii daqiiqo ee ugu horeeyey ciyaarta, laakiin waxa tabaraha kooxdu go'aansaday inuu bedelo maadaama oo dhaawac soo gaadhay, waxaana loo malaynayaa in garabka iyo gacantu kala baxeen.


Inkasta oo uu dhaawacaasi gaadhay ayaa hadana Salaax waxa uu doonayey in uu ku sii jiro ciyaarta hasse ahaatee way ku adkaatay oo isaga oo ilmo ka qubanayso ayuu ka baxay garoonka.


Waxaanay khubaradii ka faaloonaysay ciyaartu sheegeen in dhacdadaasi niyad jab weyn ku noqotay kooxda isla markaana ay sidaa ku waaweeyn ciyaartoy farsamo fiican oo uu ciyaarta kooxda ku dhiso lahaa iyo xagal daac ku yimid hindisihii ciyaareed ee tabobaraha kooxda.


Ilaysnews/London Desk

Info@Ilaysnews.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip