[Akhriso ]:- Imisa Wadan Ayaa Ka Qeybgashay Furitaanka Safaaradda Mareykanka Ee Quddus?

0
Wednesday May 16, 2018 - 09:02:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Akhriso ]:- Imisa Wadan Ayaa Ka Qeybgashay Furitaanka Safaaradda Mareykanka Ee Quddus?

    London (Ilays-News):- Dalka Mareykanka ayaa si rasmi ah shalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (Ilays-News):- Dalka Mareykanka ayaa si rasmi ah shalay

safaaraddiisa Israel uga furay Magaalada Barakeysane ee Quddus,taas oo caro badan ku abuurtay dalalka Caalamka una badan kuwa Muslimka ah.




Dalalka Koofur Afrika iyo Turkiga ayaa si rasmi ah safiirradooda Isreal ugu yeertay si ay gadood uga muujiyaan taallabada uu qaaday Mareykanka.


Waxaa kale oo jira dalal u badan Dunida Muslimka oo cambaareeyay furitaanka Safaaradda Mareykanka iyo kuwo aan ka hadlin.


Dalalka Sucuudiga iyo Kuwait ayaa ka gaabsaday cambaareynta furitaanka safaaradda waxaana ay beddelkeeda cambaareeyeen Ciidanka Israel ee dadka ku dhow 60 Qof shalay kaliya ku dilay Gaza.


Haddana waxaa jiray dalal diblomaasiyiin u diray Quddus si ay goobjoob uga noqdaan munaasibadda furitaanka Safaaraddii Mareykanka ee Tel Aviv oo loo wareejiyay Magaalada Quddus,waxaana waddamadaas ka mid ah;


Afrika:

Kenya , Ethiopia , Koofurta Suudaan , Tanzania , Rwanda , Angola , Zambia , Nigeria , Congo DR , Congo , Ivoary Coast , Cameroon.


Europe:

Georgia , Mecidonia , Ukarine , Romania , Albania , Hungry , Czech Repuplic , Austria

Serbia 


Asia

Myanmar , Vietnam , Philippines , Thailand


America:

Paraguay, Dominica Repuplic , Guantamela, El Salvador , Panama , Peru , Hunduras


Israel waxaa ay sheegtay in la casuumay dhamaan 86ka dal ee Israel ku leh xafiisyada diblomaasiyadeed,waxaana marka loo eego tirada la casuumay ka qeybgashay 30 dal oo kaliya.


Ilaysnews/London Desk

Info@Ilaysnews.com


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip