Qaar Ka Mid Ah Dalalka Caalamka Oo U Yeedhay Safiirkooda Israel , Ka Dib Xasuuqa Ay Yuhuudu U Geysaneyso Falastiniyiinta + [ Dalalka Ay Yahiin ]

0
Tuesday May 15, 2018 - 19:46:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Mid Ah Dalalka Caalamka Oo U Yeedhay Safiirkooda Israel , Ka Dib Xasuuqa Ay Yuhuudu U Geysaneyso Falastiniyiinta + [ Dalalka Ay Yahiin ]

    Ankara (Ilays-News):- Dowladda Koonfur Afrika ayaa waxay u yeertay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ankara (Ilays-News):- Dowladda Koonfur Afrika ayaa waxay u yeertay

safiirkeeda ujooga Israa’iil, taasoo daba socota xasuuq ay ciidamada maamulka Yahuuda u geysteen Shacabka Falastiin, ee ku dibadbaxaya magaalada Gaza.


"Iyadoo la tixgelinayo hab-dhaqanka aan kala sooc lahayn ee weerarkii ugu dambeeyay ee Israa'iil, dawladda Koonfur Afrika waxay go'aansatay inay dib u soo celiso safiir Sisa Ngomban," wasiirka arrimaha dibadda ayaa ku sheegay qoraal uu soo saaray.



"Shaacintaan waxay dhaqan-galaysaa sida ugu dhaqsiyaha badan, illaa iyo ogeysii dambena ma sii joogi doono halkaas [Israa'iil,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaraa warfaafinta ee dowladda Koonfur Afrika.


Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa isna sheegay inay udib usoo celiyeen safiiradooda dalalka Mareykanka iyo Israa'iil, wuxuuna ku dhawaaqay sadex maalmood oo loogu baroor-diiqayo dadka lagu laayay Gaza.


"Waxaan u aqoonsan nahay waxa ka dhacay Gaza, xasuuq, waxaana cambaareynaynaa ficilkaas wuxuushnimada ah. Sidoo kale, go’aankii uu Mareykanka ugu aqoonsaday Qudus caasimada Israa’iil waan cambaareynaa,” ayuu yidhi Erdoğan.


In ka badan 50 qof oo Falastiini ah ayaa dhintay, halka in ka badan 2,000 qof ay ku dhaawacmeen kadib Rasaas nool-nool oo ay ciidamada Israa’iil kusoo tureen dadka banaan ku sameynaay meel ku dhow Xuduudka Gaza.


Dadkaan oo ka cadheysanaa in saxaafadda Mareykanka loosoo wareejiyo maanta Magaalada Quddus ee dhulka Falastiin ayaa waxaa Wasaarada Falastiiniyiinta ay sheegtay in tirada dhimashada ay intaan kasii badan karto.


Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan 



Ilaysnews/London Desk

Info@Ilaysnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip