La-Taliyihii Ra'iisul Wasaaraha Somaliya oo is-casilay + [ Sababta ]

0
Tuesday May 15, 2018 - 19:29:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    La-Taliyihii Ra'iisul Wasaaraha Somaliya oo is-casilay + [ Sababta ]

    Moqdisho (Ilays-News):- Waxaa maanta shaqadii uu ka hayey Xafiiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Moqdisho (Ilays-News):- Waxaa maanta shaqadii uu ka hayey Xafiiska

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ka tegay Cabdulqaadir Cashir Nadara, kaasoo ahaa Lataliyaha dhanka warbaahinta ee xafiiska wasiirka koowaad ee Soomaaliya.

Image result for Cabdul Qaadir Nadaara


Is-casilaada Nadara oo aan si shaac-baxsan loogu dhawaaqin ayaa waxaa Warsidaha Ilysnews.com u xaqiijiyay illo wareedyo ka tirsan Xafiirka Khayre.



Waxay kaloo noo sheegeen dadkii aan la xidhiidhnay in Nadara uu gudbiyay maanta war-qadiisa is-tiqaalada islamarkaana uu Khayre ka gudoomay, kana aqbalay.


Sababta isku casilay Nadara ayaa la fahansan yahay inay tahay si uu ugu tartamo Kursi ka banaan Gollaha Shacabka, taasoo uu baneeyay Agaasimaha Hay’dda Nabad Sugida Xuseen Cismaan Xuseen, oo ay hal Qabiil kasoo wada jeedaan.


Doorashada oo deegaan doorashadeedu tahay Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed, ayaa waxaa la filayaa in Khayre uu ku taageero Nadaara, maadaama ay aad isugu dhow yihiin, ayna dooneyso xukuumada inay kobciso cududeeda Golaha Shacabka.


Cabdiqaadir Nadaara ayaa xilka lataliyaha War-faafinta ama Warbaahinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay 5tii bishii sideedaad ee 2017, waxaana tan markii uu xilka qabtay ka dhaca xafiisa Khayre isbedal wayn.


Ilaysnews/Moqdisho Desk

Info@Ilaysnews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip