[Daawo ]:- Real Madrid Oo Xalay Si Xun U Garaacdey Bayern Munich

0
Thursday April 26, 2018 - 08:44:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Daawo ]:- Real Madrid Oo Xalay Si Xun U Garaacdey Bayern Munich

    Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa

guul muhiim ah ku gaadhay garoonka Kooxda Bayern Munchen ee Alianz Arena, ciyaar ka tirsan wareega afar dhamaadka ee tartanka Champion Leagua.


Kooxda Buyer Munich ayaa ku horaysay gool dhalintada iyada oo daqiiqadii 28aad uu hogaanka u dhiibay ciyaaryahanka Josh Kimmich, kaas oo ciyaarta ka dhigay hal gool iyo eber.



Ciyaaryahanada kooxda Real Madrid oo u muuqday kuwa ka kacay hurdada ayaa weerar joogto ah ku qaaday goolka kooxda Buyern, iyada oo difaacyahanka Marcelo uu daqiiqadii 44aad ee qaybta hore u dhaliyey goolka barbar dhaca, iyada oo lagu kala nastay hal iyo hal gool.


Qaybtii labaad ee ciyaarta markii laysku soo noqday ayaa tababaraha kooxda Real Madrid waxa uu sameeyey badal dhawr ah isaga oo ciyaarta soo galiyey Marco Assensia oo noqday ciyaaryahanka guusha u horseeday kooxdiisa.


Daqiiqadii 57aad ee ciyaarta ayaa Marco Assensio gool qurux badan u dhaliyey kooxda Real Madrid, iyada oo kooxda tababare Zidane ay la wareegtay hogaanka ciyaarta.


Ciyaaryahanada kooxda Buyern Munchen oo sameeyey dedaalo badan balse ugu dambayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay hal gool iyo laba ay guushu ku raacday kooxda reer Spain Ee Real Madrid.


Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip