[Deg Deg] :- Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xabsiga Dhigtey Suldaankii Beelaha Gabooye .

0
Sunday April 08, 2018 - 15:13:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 973
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Deg Deg] :- Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xabsiga Dhigtey Suldaankii Beelaha Gabooye .

    Burco (Ilays-News):- Suldaanka Gabooye ee Gobollada Barriga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco (Ilays-News):- Suldaanka Gabooye ee Gobollada Barriga

 Somaliland Suldaan Nadiif Saydh Jibriil ayaa hadda lagu xidhay Saldhiga boolilska ee magaalada Burco, sida uu Hadhwanaagnews uxaqiijiyay Barkhad Jibriil oo ka tirsan xisbiga Waddani.

Image may contain: 2 people, child



Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo ah xoghayaha Cadaalada ee xisbiga Waddani ayaa qoraal kooban oo uu kaga hadlayo xadhiga suldaanka soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga, qoraalkaasi oo dhamaystirana sidan ayuu uyaalay "Sallaadiintu xurmo ayey ku mudan yihiin xilkay umadda u hayaan oo ah Illaalinta Nabadda. Suldaan Nadiif oo ah Suldaanka Gabooye ee Gobollada Berri ayaa hadda Saldhiga Burco lagu xidhay. Qofna sharciga kama sarreeyo waxaas'e jirinba fal denbi ah oo Suldaanka gacanta kula jiray isagoo aqalkiisa jooga ayaanay ciidamaddu soo xidheen. Sida u i xaqiijyey Garaadka Guud ee Beelaha Gabooye Garaad Yoonis Garaad Haybe. Waxaan ugu baaqeyna inu Odeygaas dhaqan xorriyadiisa deg deg loogu celiyo gafkaa laga galayna xaal laga siiyo. Sharciga sallaadinta kale xidhi waayey ee kan xidhay halkuu ka shaqeeya?”.


Ilaysnews/Hargeysa Office

Info@Ilaysnews.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip