Liverpool Ku Durdurisay Man City Oo La Loodin La'aa

0
Thursday April 05, 2018 - 09:14:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Ku Durdurisay Man City Oo La Loodin La'aa

    Kooxda Liverpool ayaa xalay saddex iyo eber

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Liverpool ayaa xalay saddex iyo eber

ugu awood sheegatay Manchester City oo ay isaga horyimaaddeen is aragii hore ee rubac-dhammaadka tartanka Horyaallada Yurub.

Image may contain: 3 people, people smiling, people playing sports, stadium and outdoor



Kooxda Liverpool ayaana marti loogu ahaa garoonkeeda Anfield.


Ciyaartoyda Liverpool waxay halkaas ka dhigeen wacdaro oo waxaad moodaysayba 32dii daqiiqo ee ugu horeeyey ciyaarta in aanay kubbada taabanayn ciyaartoyda Man City.


Maxamed Salaax ayaa gool dhalinta u billaabay kooxdiisa wuxuuna noqday midkiisii 38-aad ee uu u dhaliyo Liverpool.


Laba iyo toban daqiiqo ka dib ayaa Alex Chakberlain isna isla siddeed daqiiqo uun ka dib shabaga ku husbsaday.


Goolkii saddexaad ee isna aadka loogu riyaaqay waxa dhaliyey Sadio Mano.


Waxaanad moodaysay wacdarahii halkaa ka dhacay xalay in ay si u rumaynayeen saadaal uu hore u sii sheegay tabobaraha Man City oo ahayd in saddexda weeraryahan ee Liverpool, waa Salaax, Mane iyo Firimino ay yihiin rag aan la loodin karin.


Hase yeeshee intii aan ciyaartu bilaabanin ayaa baskii siday ciyaartoyga Man City waxa lagu weeraray garoonka Anfield hortiisa.


Tabobare Pep Guardiola ayaana sheegay in ay qaadan waa ku noqotay in booliisku ay ka hortagaan arrintaas oo ay filayeen in ay dhacayso.


Liverpool ayaa raali galin ka bixisay waxayna falkaa ku sheegtay wax aan haba yaraatee la aqabali karin.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip