Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Ay Ragaadiyeen Agaasimayaal Tiro Badan Oo Tayadooda Laga Dayrinaayo [ Akhriso War Bixin Xiiso Leh ]

0
Tuesday March 13, 2018 - 06:54:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Ay Ragaadiyeen Agaasimayaal Tiro Badan Oo Tayadooda Laga Dayrinaayo [ Akhriso War Bixin Xiiso Leh ]

    Wasaaradda Waxbarashaddu Waa Haa'yadaha Ugu Muhiimsan Ee Qarankanni Leeyahay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Waxbarashaddu Waa Haa'yadaha Ugu Muhiimsan Ee Qarankanni Leeyahay,

Waayo Waxay Ka Masuul-tahay Aayaha Iyo Mustaqbalka Ubadkeenna Iyo Aayatiinkeenna Barrito Iyo Maanta, Wasaaradda Waxbarashaddu Waxa Kale Oo Ay Ka Mid Tahay Ama Ku Jirtaa Wasaaraddaha Ugu Culculus Ee Dalka, Waa Wasaaradda Qudha Ee Gaadha Gabi-Ahaan Goboladda Dalka Oo Dhan Kana Wada-Shaqaysa

Image result for wasaarada waxbarashada somaliland



Wasaaraddan Ilaa Iyo Intii La Aasaasay Waxa Soo Maray, Marka Lagu Daro Wasiirkan Hadda-joogga Ilaa 12 Wasiir, Waa Ilaa 1991--2018, Intaaba Waxa Joogay Oo Fadhiyay Niman Agaasime-waaxeedyo ah, Marqudhana Aan Booskaa Lagana Beddelin Kana Tagin, , Taasina Waxay Laf-jab ku tahay Oo Ay Dhiig-bax Ku Tahay Hannaanka Maamulka Iyo Dawladnimadda, Taas Marka Laga Tago,Waxa Iyana Jira Lataliyayaal Xadhkaha Goostay Oo U Baahan Iyaguna Ka Fiirsigooda


Takale Waxaad Aad Iyo Aad Ula Yaabaysaa Nimankaa Agaasime-waaxeedyada ah Marka Laga Tago Tiradooda Hadh-beeshay, Tayadooda Oo Aad U Liidata, Tiradda Agaasime-waaxeedyadda Sharciyan Looga Baahan Yahay Wasaaradda Waa 7 Ilaa 8 Agaasime-waaxeed, Ilaa Maanta Taasi Kama Jirta Wasaaradda Waxbarashadda iyo sayniska, Tiradda Agaasime-waaxeedyadduna Waxay Marayaan 27 Agaasime-waaxeed, Iyo 27 Agaasime-kuxigeen, Intaasoo Madax-qaybeed, Oo Waliba Tayadoodunna Aanay Wacnayn, Sababtoo ah Waxay U Badan Yihiin Odayaal Waayeela Oo Aan Up-date Ahayn, Ama Aan La Socon Aduunkan Maanta Tignoolajiyadda La Talaabsanaaya, Waxay U Shaqeeyaan Sidii Barrigii Hore, Ma Fadhiistaan Xafiisyadooda Markaad Aragtaba Geed-wayn Oo Wasaaradda Dhexdeeda ah Ayuunbay Hadhsanayaan, Taasina Maaha Mid Loo Baahan Yahay, Oo Wasaaraddani Ay Ku Sii Socon-Karto, Wasaaraddani Waxay Maanta U Baahan Tahay, in Dhiig-cusub Lagu Shubbo, Si Ay Uga Soo Kabato Waxkasta Oo Soo Gaadhay, Una Hiigsato Yoolkeeda Ay Qaran Ahaan Ugu Aasaasan Tahay, Agaasime-waaxeedyadda Qaarbaa Magac-U-yaal ah Oo Aan Xafiisba Lahayn Oo wasaaradduun Iska dhex-meeraysta, Haddal Iyo Gabo-Gabo Waxa Maanta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Sayniska Looga Fadhiyaa inuu Wasaaradda Tubtii Iyo Hannaqnkii Toosnaa Ku Soo Celiyo, dhiig-cusubna Ku Shubo, Qaadanna Talaabbooyinkii Ay Qaadeen Saaxiibadiisa Kale Ee Wasiiradda Ka Ah Wasaaradaha Kalee Dalku, Intaa Kadib Bal Saaxiibayaal Bal Ila Dhugta Waatan Tiradda Agaasime-waaxeedyaduye,


1- Agaasimaha Maamulka iyo lacagta

2- Agaasimaha Qorshaynta

3- Agaasimaha kormeerka Guud

4-Agaasimaha Shaqaalaha

5- Agaasimaha Manaahijta

6- Agaasimaha Tababaradda

7- Agaasimaha Dugsiyadda H/Dhexe

8- Agaasimaha Dugsiyadda sare

9- Agaasimaha Dugsiyadda Gaarka ah

10- Agaasimaha Dugsiyadda dadban

11- Agaasimaha Genderka

12- Agaasimaha Feedingka

13- Agaasimaha imtixaanaadka

14- Agaasimaha Tayadda

15- Agaasimaha Farsamadda-gacanta

16- Agaasimaha Hantida ma guurtada ah

17- Agaasimaha Gadiidka

18- Agaasimaha Barbaarinta Caruurta

19- Agaasimaha Baahiyaha-gaarka ah


QAYBTA TACLIINTA SARE AGAASIMAYAASHEEDA WAAXYAHA

----------------------------------------------------------------------

1- Agaasimaha maamulka iyo lacagta

2- Agaasimaha Jaamacadaha

3- Agaasimaha shaqaalaha

4- Agaasimaha Qorshaynta

5- Agaasimaha Hal-Abuurka

6- Agaasimaha Datada

7- Agaasimaha macaahida

8- Agaasimaha statigiska Iyo Cilmibaadhista

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip