Gudoomiye Jawaari Oo Shaaciyey Lacagta Ku Baxaysa Dhisamaha Cusub Ee Baarlamaanka Dalka Somaliya +[Muuqaal ]

0
Tuesday March 06, 2018 - 14:40:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Jawaari Oo Shaaciyey Lacagta Ku Baxaysa Dhisamaha Cusub Ee Baarlamaanka Dalka Somaliya +[Muuqaal ]

    Moqdisho (Ilays-News):- Balse guddoomiyaha Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa soo bandhigay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Moqdisho (Ilays-News):- Balse guddoomiyaha Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa soo bandhigay

qorshe cusub oo lagu dhisayo guriga baarlamaanka oo ku burburay dagaaladii sokeeye.

Image may contain: one or more people


Jawaari oo ka hadlayay barnaamij si toos ah uga baxayay taleefishinka dowladda ee SNTV oo lagu qabtay Muqdisho, ayna kasoo qeybgaleen dad badan ayaa la weeydiiyay sababta muddo sanooyin badan ah loo dhisi la'yahay.



Gudomiyahe Jawaari wuxuu sheegay in guriga gabi ahaantiisa la burburin doono, baarlamaankana u guuri doono meel kumeelgaar ah oo uu kusii shaqeeyo, kadibna la bilaabi doono dhismaha guriga

.

"Biloowga sanadka soo socda dumis ayaa lagu bilaabaa, lacag badan ayuu u baahanyahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $60 milyan oo doolar, 7 dabaq ayuu noqonayaa oo xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaarka ah leeyahay, oo labada aqalba ay galayaan, shirarka adduunkana lagu qabanayo, illaa 100 milyan waa gaaraa, hadda ma hayno lacag, balse alle mahadiis dowladda Turkiga ayaa ogolaatay in ay bixiso" ayuu yidhi Prof Jawaari.


Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan



Ilaysnews/Moqdisho Desk

Info@Ilaysnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip