Agaasimaha Barnaamijyada Tv Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Xilka Loo Magacaabay.

0
Saturday February 24, 2018 - 09:29:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Barnaamijyada Tv Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Xilka Loo Magacaabay.

    Ugu horeyn ilaahay ayaa mahadleh, marka xiga waxa aan si aada ugu mahadcelinayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horeyn ilaahay ayaa mahadleh, marka xiga waxa aan si aada ugu mahadcelinayaa

masuuliyiinta wasaarada warfaafinta ee uu ugu horeeyo wasiir Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax(Guri-barwaaqo) iyo Wasiir ku xiggeenka wasaarada Maxamed Muuse(Abees) oo ii gartay in aan noqdo Madaxa Barnaamijyada ee Telefishanka Qaranka Somaliland ,aniga oo ka mid ah dhalinyaradii muddada ka shaqaynaysay wasaarada warfaafinta Somaliland,magacaabistaydu waxa ay tijaabo u tahay dhalinyaro badan oo ka shaqaysa wasaarada kuwaasi oo haddii masuuliyada lay saaray oo adag aan ka soo baxo u noqonaysa sharaf iyo in xilal kan ka weyn loo dhiibo,haddii kalena waxa ay kula bixi doonaan naaneyso iyo in la yidhaahdo waa kuwii,markaa waxa aan ilaahay ka baryayaa in uu igu asturo xilka oo aan u qabo in uu yahay masuuliyad culus iyo tijaabo bilow ah

Image may contain: 1 person, smiling



Siddeedaba masuuliyadu wey iska eed badan tahay waxa aan balan-qaadayaa in aan xilka ku wajihi doono daacadnimo, dadaal iyo feejignaan aniga oo kaashanaya shaqaalaha telefishanka qaranka oo aan aaminsanahay in aanan la’aantood waxba qaban Karin, shaqaalaha wasaarada warfaafinta waa dad gob ah oo walaalo ah ,mana jiro qof walaalkay ah oo ay wax na dhex mareen ku dhawaad toban sanno oo aan wasaarada ka shaqaynayey.


Xilkan ma noqon doono mid ii horseeda in aan colaysto ama aan kala jeclaysto shaqaalihii muddada dheer aanu soo wada shaqaynaynay maxaa yeelay waxa aan aaminsanahay in xilku meerto yahay oo aanu jirin qof waligii joogayaa sidaas awgeedna ay wacan tahay in qofku midho wacan beerto si uu hadhaw ugu aayo , waxa kale oo aan qirsanahay haddii aanan garab ka helin shaqaalaha madaxa layga dhigay in aanay waxba ii qabsoomi doonin ,markaa ma jiro doonto sabab aan u soo kala dhaweysto shaqaalahayga , waxa aanu hawsha ku wajihi doonaa saaxiibtinimo iyo iskaashi si aanu guul u gaadhno,isla-markaana aanu ula tartano warbaahinta kale ee tartanku naga dhexeeyo.


Muddada aan xafiiska barnaamijyada joogo waxa aan isku dayi doonaa insha allah in aan muujiyo is badel dhaba oo xaga barnaamijyada ah , bulshaduna ay dareemi doonta waa haddii aan gacan buuxda ka helo madaxda iyo shaqaalaha wasaarada warfaafinta oo la’aantood aanay waxba suurtoobi Karin, waxa aanu joogtayn iyo tayeyn ku samayn doonaa barnaamijyada Tv-ga , waxa aanu soo kordhin doonaa barnaamijyo bulshadu u aayi doonto insha allah ,waxa aan xooga isugu geyn doonaa aniga oo kaashanaya madaxda iyo shaqaalaha wasaarada sidii loo hirgalin lahaa hanaan shaqo oo hufan, lehna is ixtiraam , isla xisaabsan cadaalad ku dhisan, kala dambayn shaqo iyo in qof kastaaba fahmo doorka uu ku leeyahay shaqada socota qaybtiisana qaato.


Intaas ayaan kalmadayda ku soo gabagabaynayaa , waxa aanan asxaabta ka codsanayaa in ay eebe iiga baryaan in uu masuuliyadan culus igu asturo Insha allah …..Taladaaduna Waa Ii Muhiim


Madaxa Barnaamijyada ee SLNTV…………………………Cabdicasiis Caydiid Yamani

Alla Mahad Leh




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip