Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Oo Kulan Wada Tashi Ah Isugu Yeedhay Qaar Ka Mid Ah Agaasime Waaxyeedyada Wasaaradaha

0
Thursday January 11, 2018 - 18:58:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Oo Kulan Wada Tashi Ah Isugu Yeedhay Qaar Ka Mid Ah Agaasime Waaxyeedyada Wasaaradaha

    Hargeysa (Ilays-News):- Hay'adda Shaqaalaha dawladda oo maanta kulan wada tashi ah isugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Ilays-News):- Hay'adda Shaqaalaha dawladda oo maanta kulan wada tashi ah isugu

 yeedhay agaasime waaxyeedyada maamulka iyo Maaliyada iyo agaasime waaxeedka Maamulka Cudduda shaqaalaha ee dhamaan dalka


Kulankan oo ka qabsoomay xarunta guud ee hay'adda Shaqaalaha Dawlada ayaa waxaa kasoo qayb-galay dhamaanba agaasime waaxeeyda maamulka iyo maaliyada iyo agaasime waaxeedka maamulka iyo maaraynta cudduda shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay'adaha dawlada

Image result for Sharmaake Geelle



Kulankan ayaa intii uu socday waxaa si qoto-dheer loogaga wada hadlay habka iyo hannaanka haboon ee loo mari karo tirinta raandhiiska le ee shaqaalaha dawlada si loo tayyeeyo


Gudoomiyaha hay'adda shaqaalaha dawladda oo faafaahin ka bixiyey kulanka ayaa si balaadhan uga waramay hawl-qabadkan baaxada le ee dhawaan hay'adda shaqaalaha dawladdu bilaabi doonto iyo muhiimada ka gudo-balaadhan tirin keliya ee ku lamaan waxaanu sidoo kale si faahfaahsan uga tibaax bixiyey waxa hawl-qabadkani kaga duwan yahay isku dayo hore oo hay'adda shaqaalaha dawladu damacday in shaqaalaha lagu suggo


Gudoomiye Geelle ayaa qodobo dhawr ah ka xusay hiigsiga hawl-qabadkan isagoona bidhaan kasii bixiyey qorshahan iyo quruxda uu shaqaalaha u hogaamin doono waxaanu xusay in shaqaalaha dawladdu wixii hawshaa ka dambeeya bangiga ka qaadan doonnaan mushaharkooda si meesha looga saaro wax walba oo madmadaw keeni kara


Gudoomiyaha hay'adda shaqaalaha ayaa sidoo kale dardaaran waano, wargelin iyo wacad adag ah siiyey agaasime waaxeedyadii kulanka kasoo qaybgalay waxaanu xusay tayyeynta qorshe, qaab,qalab iyo qof ahaanba ka dambayn doonta marka hawl-qabadka wajigiisa koobaad ee tirnta ah soo dhamaado


Gudoomiye Sharmaake ayaa daaha ka fayday in si cad loo kala saari doono labadan waaxood oo badanaaba waajibkooda is maroorsada isagoona xusay in agaasimaha maaraynta cudduda shaqaalaha ay shaqo ahaan si buuxda ugu gacan banayn doonaan shaqada kobcinta shaqaalaha isagoona sheegay in shaqaalaha mushaharka iyo darajada kobcinta la siin doono marka uu soo gudbiyo agaasimaha waaxda maaraynta shaqaaluhu isagoo raacaya hab-raac ay u dajin doonto hay'adda shaqaaluhu


Gudoomiyaha hay'adda shaqaalaha dawllada ayaa ugu dambayn sheegay shuruudaha laga rabo in shaqaale walba sii diyaarsado kahor inta aan wasaarada loogu iman si loo tiriyo


Gudoomiyaha ayaa xusay in ay tab iyo xeelad walba u dhigan doonaan dadka isku daya in ay magac kale ku xaadiraan iyo kuwa iyagoon waligeed goobta shaqo iman damacsan in ay maalintaas madax-tirinta uun soo xaadiraan


Waxaa sidoo kale goobta hadalo ka jeediyey xidhiidhyaha Mashruuca tayyeynta shaqaalaha dawladda Xirsi Cabdilaahi Ismaaciil isagoona si qoto dheer u faahfaahiyey ujeedada balaadhan ee qorshahani hiigsanayo


Ugu dambayn agaasime-waaxeedyadii kulanka kasoo qaybgalay ayaa ayaa ka dareen celiyey qorshahan dhan walba ka dhamaystiran ee hay'adda shaqaalaha dawladdu la wadaagtay iyagoona hay'adda shaqaalaha ku amaanay wada shaqaynta iyo quruxda ay shaqaalaha dawladda ku hogaaminayso iyagoona dhankooda ka balan qaaday wada shaqayn xoogan


Ilaysnews/Hargeysa Office

Info@Ilaysnews.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip