Xog: Man United Oo Xalay Iska Tir-tirtay Rikoor Liitay Ee Ay Ka Haysteen Tababare Pep.

0
Thursday October 27, 2016 - 11:02:09 in Sports by Super Admin
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Man United Oo Xalay Iska Tir-tirtay Rikoor Liitay Ee Ay Ka Haysteen Tababare Pep.

    Man United ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 8-da ee EFL Cup ka dib markii Man City oo Old Trafford joogta ay ku garaaceen gool uu u dhaliyay Juan Mata

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Man United ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 8-da ee EFL Cup ka dib markii Man City oo Old Trafford joogta ay ku garaaceen gool uu u dhaliyay Juan Mata
Marka laga yimaado guushaas ,waxa ay United iska cirib tireen rikoor liita oo ay ka haysteen tababare Pep oo xilli ciyaareedkaan hogaaminaya Mna City .
Ka hor kulankaan, United waxa ay Pep wada kulmeen 5 jeer iyadoo ay ku wajaheen sedex koox oo kala duwan.

Waxa uu 5-taas jeer badiyay 4 ka mid ah halka hal kulan uu la galay barbar dhac .

Tababare Pep Guardiola waxa uu Man United qaraarka guuldaradda ku dhadhansiiyay laba jeer oo finalka Champions League ah waxa uuna xilligaas hogaaminayay kooxda Barcelona.


Guushii labaad ayaa aheyd finalkii 2011-kii ee Champion-ka xilligaas oo uu uga badiyay 3/1

Ka dib markii uu Pep u wareegay Munich waxa uu United uu ka hor tagay laba jeer waxaana la joogay wareegga Quarter-final-ka iyadoo aheyd xilli ciyaareedkii 2013/2014-ka , waxa uuna kulankii garoonka Old Traford la galay min hal gool halka midkii garoonka Munich uu uga badiyay 3/1

Ugu dambeyn kulankii garoonka United ee horyaalka Ingiriiska ee xili ciyaareedkaan waxa uu Pep ku bilaabay guul isaga oo ku garaacay 2/1 waxaana la joogay wareegga 4-aad ee horyaalka Ingiriiska.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip