Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Man United Ka Badisay Man City: Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka? Kumaase Ugu Liitay?

0
Thursday October 27, 2016 - 10:52:07 in Sports by Super Admin
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Man United Ka Badisay Man City: Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka? Kumaase Ugu Liitay?

    Kooxda Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford xalayto ku dubatay Manchester City iyagoo 1-0 ku garaacay waxaana ay goolka uga mahadcelinayaan Juan Mata. Guushaas ayaa waxa ay ka saaciday Man United inay u soo baxdo wareega sideeda ee EFL Cup

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford xalayto ku dubatay Manchester City iyagoo 1-0 ku garaacay waxaana ay goolka uga mahadcelinayaan Juan Mata. Guushaas ayaa waxa ay ka saaciday Man United inay u soo baxdo wareega sideeda ee EFL Cup.
Hadaba waxaan eegeynaa qiimeynta ciyaartoyda ee kulankii xalayto, iyadoo 10 ay tahay dhibciha ugu badan ee uu ciyaaryahan heli karo.

Manchester United

De Gea 6 – Waa ay yared inta la tijaabiyay laakiin dareenkiisa waa uu taagnaa marka ay halis timaado.

Valencia 6 – Difaacashadiisa waa ay fiicneyd, weerarkiisana awood ayuu lahaa.


Blind 5 – Weli waa uu liitaa. Qalad uu sameeyay qeybtii hore ayaa u saamixi gaartay in Iheanacho uu gool dhaliyo.

Rojo 6 – Waxa uu badbaadiyay Blind isagoo celiyay darbadiisa Iheanacho.

Shaw 6 – Waxaa tijaabiyay Navas, markii uu awoodana hore ayuu aadayay.

Carrick 7 – Si weyn ayuu u qabsaday khadka dhexe.

Herrera 6 – Bilowgii baasaskiisa waa ay xumaayeen laakiin qaab ciyaareedkiisa gadaal ayuu ka soo dhismay.

Mata 7 Xiddiga Garoonka – Dhaqdhaqaaqiisa cajiib ayuu lahaa, waxaana uu dhaliyay goolkii lagu kala badiyay ciyaarta.

Pogba 6 – Waxaa gool qeybtii labaad aheyd ka beeniyay Caballero oo badbaadin fantastik ah sameeyay.


 
Rashford 6 – Gool ma uusan helin laakiin waxa uu orodkiisa ku dhibay daafaca Man City.

Ibrahimovic 7 – Sidii uu ciyaarta ku bilowday waa ay liidatay laakiin caawiye ayuu ka ahaa goolka guusha.

Manchester City

Caballero 7 – Waxa uu kubad gool loo fishay ka badbaadiyay Pogba waxaana uu sidoo kale badbaadiyay fursado kale.

Maffeo 6 – Wacdarro ayuu dhigay, waxaana uu si wacan u raacayay Rashford.

Kompany 5 – Waxa weli ku danbeysa saameyntii dhaawaca waxaana waqtigii nasashada loo bedelay daal dartiis.

Otamendi 4 – Waxa uu qalad ku lahaa goolkii uu Mata dhaliyay.

Clichy 6 – Xiddiga reer France waxa uu ka muuqday garabka bidix.

Fernando 6 – Waxa uu khadka dhexe u maamulayay Man City laakiin Herrera ayaa u xoog sheegtay markii uu Mata goolka dhalinayay.

Garcia 6 – Bilow dhif iyo naadir ah ayuu helay, waana uu ka faa’ideystay fursadii la siiyay.

Navas 7 – Hal iyo labo orod oo halis ah ayuu garabka midig ku sameeyay isagoo soo dhigayay karoosyo fiican.

Sane 6 – Marna waa uu muuqday marna wuu muuqbeelayay intii ay ciyaarta socotay.

Nolito 6 – Si aad ah ayuu uga shaqeeyay garabka bidix ka hor inta aysan United cadaadiska ku kordhinin qeybtii labaad.

Iheanacho 6 – Weeraryahanka waxa uu seegay fursad madax aheyd bilowgii, habeenkiisana ma aysan aheyn.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip