Senate-Ka Maraykanka Oo Ku Baaqey In Cunaqabatayn Sacuudiga Lagu Soo Roogo + [ Sababta ]

0
Thursday October 11, 2018 - 09:08:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Senate-Ka Maraykanka Oo Ku Baaqey In Cunaqabatayn Sacuudiga Lagu Soo Roogo + [ Sababta ]

    USA (Ilays-News):- Labo iyo laabatan xubnood oo ka mid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

USA (Ilays-News):- Labo iyo laabatan xubnood oo ka mid

ah aqalka senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa Madaxweyne Trump u diray qoraal ay ku dalbanayaan in la bilaabo baadhitaan rasmi ah oo ku aaddan saxafigii Sucuudiga u dhashay ee la waayey iyo suurta galnimada ah cunaqabatayn la saaro Sucuudiga.

Madaxweyne Trump ayaa weriyasha u sheegay in Mr Khashoggi arrintiisa uu ka la hadlay saraakisha Sacuudiga gaar ahaan kuwa ugu sareeya.



Tallaabadan xubnaha senate-ka Maraykanka ayaa faraysa madaxweyne Trump in uu cunaqabatayn kusoo rogo Sucuudiga, haddii baadhitaanka lagu ogaado in Sucuudigu uu ku lug lahaa in Mr Khashoggi la waayo.


Madaxweyne Trump ayaa weriyasha u sheegay in Mr Khashoggi arrintiisa uu ka la hadlay saraakisha Sacuudiga gaar ahaan kuwa ugu sareeya.


Intaan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Khaashoqgi oo dalkiisa iskii uga tagay wuxu u dhexeeyey oo kolba mid joogayey dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.

Jamaal Khashoggi, ayaa qunsuliyadda u tegey si u buuxiyo warqado u ku guursan lahaa gacalisadiisa ,Hatice Cengiz oo u dhalatay dalka Turkiga.


Ninkan wuxuu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada.


Dalalakaa dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanyihiin in ka badan 1.6 milyan oo qof


Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Mr Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda, maydkiisiina halkaas laga saaray arrinkaas oo xukuumadda Riyadh ay beeninayso.


Ilaysnews/USA Desk

Info@Ilaysnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip