Ciidamada Sirdoonka Somaliya Oo Garoonka Moqdisho Ku Qabtey …..

0
Thursday October 11, 2018 - 09:05:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Sirdoonka Somaliya Oo Garoonka Moqdisho Ku Qabtey …..

    Moqdisho (Ilays-News):- Qoraal la soo dhiggay Bogga Twitter-ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Moqdisho (Ilays-News):- Qoraal la soo dhiggay Bogga Twitter-ka

hay’adda Sirdoonka iyo nabad-sugida dowladda Soomaaliya NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo laga sameeyay garoonka Aadan Cadde lagu soo qabtay shabakad isku xiran oo ka shaqeysata sameynta dollar-ka.

Image result for Garoonka Muqdisho


Qoraalka ayaa lagu sheegay in labo ka mid ah kooxdan gacanta lagu dhiggay kuwa kalana lagu raadjoogo, iyadoo horay dowladda dhaqida dollarka iyo farsameyntiis-ba u aqoosatay faldanbiyeed aad u weyn.



Shabakadan ayeey NISA sheegtay in ay ku xirnaayeen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in uu u fududeyn jiray galida garoonka diyaaradaha, laakiin lama sheegin magaca xildhibaanka oo macluumaadkiisa loo gudbiyay sida ku cad qoraalka hay’addaha amniga.


"Ciidamada ammaanka garoonka Aadan Cade ee Muqdisho waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-dambiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba ka mid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu daba jiraa”.


Ma’aha markii ugu horeysay oo ay dowladda Soomaaliya qabto rag sameey-nayay dollar false ah oo dadka lagu qaldo, laakiin marka hore aan waxba ka duwaneyn kan rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado.


Ilaysnews/Moqdisho Desk

nfo@Ilaysnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip