[Kuuriyada Waqooyi ]: Maraykanka Sidaan Ugu Lisnay Nooguma Hambayn + [ Hanjabaad Cusub ]

0
Friday August 10, 2018 - 12:20:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Kuuriyada Waqooyi ]: Maraykanka Sidaan Ugu Lisnay Nooguma Hambayn + [ Hanjabaad Cusub ]

    London (Ilays-News):- Kuuriyada waqooyi ayaa mar kale si kulul ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (Ilays-News):- Kuuriyada waqooyi ayaa mar kale si kulul ugu

 dhaliishay Mareykanka in uusan wali qaadin cuna-qabateynta saaran dalkaas.

.


Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in dhankooda ay qaadeen tallaabooyin wanaagsan oo horseedi kara is af-garad, balse Mareykanku ay ilaa hadda sii amba qaadayaan waxa ay ugu yeertay "hadallada uu waqtigooda dhacay" ayna curyaaminayaan dhaq dhaqaaq kasta oo lagu raadinayo bur burinta hubka wax gumaada ee nuclear-ka.



Dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa in muddo ahba la daalaa dhacaya cadaadis caalami ah iyo cuna-qabateyn uu Mareykanka beesha caalamka kaashanaya kusoo rogay kuwaasoo ay ku muteysatay barnaamijkeeda hubka nuclear-ka iyo gantaallada ay tijaabiso.


Hase ahaatee Mareykanka ayaa doonaya in hub ka dhigis buuxda oo nuclear ah lagu sameeyo waddankaas ka hor inta aan laga dul qaadin cuna qabateyta.


Madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa bishii June isku waafaqay in ay ka wada shaqeeyaan howsha ku saabsan sidii hubka nuclear-ka looga sifeyn lahaa gacamnka Kuuriya.


Balse faah-faahinta dheeriga ah ee heshiiskaas ayaan wali si buuxda usoo bixin - sidoo kalena Kuuriyada Waqooyi ayaan wali si rasmi ah u xaqiijinin in ay ka tanaasuleyso hubkeeda nuclear-ka.


Ilaysnews/London Desk

Info@Ilaysnews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip