Trump Sodogii Iyo Sodohdii Oo Dhalashada Maraykanka Qaatay + [ Dalka Ay Markii Hore Ka Soo Jeedeen ]

0
Friday August 10, 2018 - 12:00:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Sodogii Iyo Sodohdii Oo Dhalashada Maraykanka Qaatay + [ Dalka Ay Markii Hore Ka Soo Jeedeen ]

    USA (Ilays-News):_ Madaxweyne Donald Trump sodohdii iyo sodogii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

USA (Ilays-News):_ Madaxweyne Donald Trump sodohdii iyo sodogii

 ayaa noqday muwaadiniin Maraykan ah iyaga oo loo sameeyay xaflad gaar ah.

Viktor iyo Amalija Knavs


Viktor iyo Amalija Knavs oo ah waalidka Melania oo ah xaaska Trump ayaa asal ahaan u dhashay Slovenia, dhaarta muwaadinnimada ayayna ku mareen New York Khamiistii, sida uu xaqiijiyay qareenkooda.



Wuxuu sheegay in lamaanahaasi ay Maraykanka ku joogeen sharciga degenaanshaha ee green card-ka loo yaqaanno oo ay gacan ka siisay Melania.


Wuxuu ku baaqay in la sameeyo hab dadka xirfadleyaasha ah ka hormarinaya dadka qaraabada ah, wuxuuna weeraray shuruucda soo galootiga iyo dadka soo galootiga ah laftirkooda.


Melania Trump ayaa dhalashada Maraykanka qaadatay 2006dii, ka dib markii ay dalkaas ku gashay dal ku galka loo yaqaanno "dadka awoodaha qayru caadiga ah leh" iyada oo 2001dii markaas ku shaqaynaysay dadka ii dhehyada sameeya.


Sharciga socdaalka ee Maraykanku wuxuu dhigayaa in Melania waalidkeed ay haystaan sharciga daganaanshaha ugu yaraan shan sano ka hor inta aysan jinsiyad dalbanin.


Qareenkooda oo xalfadda jinsiyada kala qayb galay ayaa sheegay in ay buuxiyeen shuruuddii shanta sano ahayd, balse wuu diiday in uu saxafiyiinta siiyo faahfaahin intaas ka badan.


Ilaysnews/USA Desk

Info@Ilaysnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip