Jigjiga Oo Laga Furay Xarun Lagu Bixin Doono Baasaaboorka Ethiopia

0
Wednesday June 13, 2018 - 14:27:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jigjiga Oo Laga Furay Xarun Lagu Bixin Doono Baasaaboorka Ethiopia

    Jig Jiga (Ilays-News):- Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jig Jiga (Ilays-News):- Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida

Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xadhiga ka jaray xarun lagu bixin doono Baasaaboorka iyo Jinsiyaddaha Ethiopia oo hore loogu doonan jiray Magaalooyinka Addis Ababa iyo Diridhaba.




Deegaankeena soomaalida Ethiopia Shalay halkii uu taagnaa iyo maanta halka uu taagan yahay, Waxaa Tusaale u ah xafladan aan maanta isugu nimid oo ah baahi ay shacabka Soomaalida Ethiopia u qabeen, waxa aad ka war haysaan in qofka Bani aadamka ahi aanu sharci la’aan dhaqdhaqaaqi Karin, sharci la’aan meelnaba uma bixi karo” Ayuu yidhi Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.


Waxa uu intaasi ku daray in maanta laga bilaabo Magaaladda Jigjiga laga heli doono Baasaaboorka Dalka Ethiopia oo markii hore loo doonan jiray Magaalooyin aad uga durugsan Jigjiga


"Berigii hore dhib ayaa ka qabsan jirtay dadka deegaanka soomaalida Ethiopia in ay helaan Baasaaboorka Ethiopia, waayo in uu ka yimaado Goday oo kale ayuu jigjiga iman jiray, markaas buu u sii dhaafi jiray Addis Ababa ama Diridhaba, laakiin maanta si dhib yar ayuu uga helayaa Magaaladda Jigjiga” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Cumar


Ilaysnews/Jigjiga Desk

Info@Ilaysnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip