Baadheyaasha Kiimikada Oo Loo Ogolaaday Suuriya +[ Muuqaal]

0
Tuesday April 17, 2018 - 09:47:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 91
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baadheyaasha Kiimikada Oo Loo Ogolaaday Suuriya +[ Muuqaal]

    Suuriya (Ilays-News):- Khuburo dhanka kiimikooyinka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuriya (Ilays-News):- Khuburo dhanka kiimikooyinka ah

ayaa loo ogolaan doonaa in ay booqdaan goobtii la sheegay in uu weerarka kiimikada ah ka dhacay Arbacadii, sida ay dawladda Ruushku sheegtay.

Image may contain: one or more people, horse and outdoor



Koox caalami ah ayaa Suuriya ku sugnayd tan iyo Sabtidii, balse looma ogolaanin in ay booqdaan Douma.


Weerarkii 7 Abriil dhacay ayaa horseeday weerar dhanka cirka ah oo dawladdaha Brirain, Maraykanka iyo Faransiisku ay ku qaadeen xarumo ay dawladda Suuriya leedahay.


Ammin hore oo Talaadadii ahna warbaahinta dawladda Suuriya ayaa sheegtay in waaxda difaaca dalkaasi ay ka jawaabtay gantaallo lagu soo weeraray magaakada galbeedka ku taalla ee Xoms.


Gantaalladaas ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigga ciidammada cirka ee Shayrat sida ay warbaahinta dawladdu sheegtay, balse faahfaahin kama aysan bixinin cidda soo gantay.


Warbixin kale oo ka timid malayshiyada Xisbullah ee ay Iiraan taageerto ayaa lagu sheegay in hannaanka difaaca ee Suuriya uu qabtay gantaallo lagu soo ganay garoonka milatariga ee Duuma oo ku yaalla waqooyiga bari ee magaalada Dimishiq.


Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan


Ilaysnews/London Desk

Info@Ilaysnews.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip