Xaalad Deg Deg Ah Oo Lagu Soo Rogay Qeybo Ka Mid Ah Dalka Koloombiya +[ Sababta ]

0
Tuesday April 17, 2018 - 09:41:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalad Deg Deg Ah Oo Lagu Soo Rogay Qeybo Ka Mid Ah Dalka Koloombiya +[ Sababta ]

    Koloombiya (Ilays-News):- Badhasaabka gobol ku yaalla woqooyi bari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koloombiya (Ilays-News):- Badhasaabka gobol ku yaalla woqooyi bari

dalka Koloombiya ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay gobolkaasi kaddib markii halkaasi ay ku dagaalameen kooxo fallaaga ah oo iska soo horjeeda.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor



William Villamizar oo ah barasaabka gobolka Norte de Santander ayaa sheegay in tallaabadaasi ay muhiim u tahay in la caawiyo dadka ku barakacay rabshadahaasi.


Axaddii la soo dhaafay ayaa fallaagada EPL waxa ay ku dhawaaqday in shaqo joojin hubeysan ka sameynayso gobolkaasi, arrintaa oo sababtay in ganacsiga uu xirmo isla markaana uu istaago isu socodka gaadiidka.


Kooxaha fallaagada ee EPL iyo ELN ayaa ku dagaalamaya gacan ku haynta gobolka Catatumbo ee ku yaalla xudduudda dalkaasi uu la leeyahay Venezuela.


Inta badan gobolkaasi waxaa gacanta ku haya kooxda kale ee fallaagada ahaan jirtay ee FARC oo hadda la kala diray.


Ilaysnews/London Desk

Info@Ilaysnews.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip