"Imaaraadka Carabta Cid Noo Bedeli Karta Ma Jirto, Xidhiidhkoodu Qiimo Gaar Ayuu Noogu Fadhiyaa…" Madaxweynaha Puntland

0
Monday April 16, 2018 - 13:32:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Imaaraadka Carabta Cid Noo Bedeli Karta Ma Jirto, Xidhiidhkoodu Qiimo Gaar Ayuu Noogu Fadhiyaa…" Madaxweynaha Puntland

    Garoowe (Ilays-News):- Madaxweynaha maamulka Puntland oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe (Ilays-News):- Madaxweynaha maamulka Puntland oo

shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in tababarayaal u dhashay dalka Imaaaraadka lagu qashqashaaday garoonka diyaaradaha Boosaaso.


Gaas oo ka hadlayay xiriirkooda Imaaraadka ayaa sheegay in uu yahay mid qiimo gaar ah ugu fadhiya, isaga oo sheegay in aysan jirin dowlad uga wanaagsan oo ay xiriir la yeelan lahaayeen.



‘’Imaaraadka waxaa ay noo tababareen Kumannaan ciidamo ah oo ka howlgala Barriga iyo Badda, dhinaca kalana ka qeybqaata howlgalada la dagaalka Argagixisada iyo Burcad baddeeda’’ ayuu yidhi Gaas.


Wuxuu sheegay in xiriirka ganacsi ee Soomaaliya ugu wanaagsan uu la leeyahay dalka Iskutaga Imaaaraadka Carabta, isaga oo sheegay in inta badan shixnadaha ganacsi ee dalka yimaada ee ka soo galaan dhinaca isku taga Imaaraadka.


‘’Imaaraadka Xiriirkoodu waan mid qiimo gaar ah noogu fadhiya, waa xiriir ku saleysan hormar iyo ganacsi iyo Amni ayuu yiri’’ Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.


Madaxweynaha Puntland ayaa ka codsaday Imaaraadka Carabta inay joogaan oo ay sii wadaan tababarka iyo taageerada ay siiyo cidamada, islamarkaana ay sii laba jibaaraan.


Shir ka jaraa’id ee madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa imanaya kaddib markii uu Imaaraadku ku dhawaaqay in ay joojiyeen dhamaanba tababaradii ay siin jireen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa Puntland.


Madaxweynaha Puntland ayaa ka codsaday Imaaraadka Carabta ay sii wadaan shaqeyntii ay la laahaayeen Soomaaliya iyo taageerada ay siiyo cidamada, isla markaana ay sii laba jibaaraan.


Xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa u muuqda mid sii xumaanaya tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigtay $9 milion iyo 600 oo Kun oo dollar oo lagu siday diyaarad laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaaraadka gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho Axadii todobaad hore.


Ilaysnews/Garoowe Desk

Info@Ilaysnews.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip