Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Safar Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta + [ Sawiro / Muuqaal ]

0
Tuesday March 13, 2018 - 19:38:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Safar Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta + [ Sawiro / Muuqaal ]

    Hargeysa (Ilays-News):- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Ilays-News):- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan

 oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo madaxweynaha u fidiyey marti-qaad rasmi ah una soo diray diyaar khaasa oo ka qaaday garoonka diyaaraha ee Cigaal International.

Image may contain: 1 person, standing, suit and phone



Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, Horumarinta Biyaha, Mudane saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha distoorka, Mudane Maxamuud Xaaji Aadan, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed iyo guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa dalka kaga baxay marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ka qaadday diyaarar khaas ah oo Dalkaas looga soo diray.

Image may contain: 3 people, people standing

Image may contain: 11 people, people standing, shoes and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing, suit and outdoor

Image may contain: 3 people, people sitting and wedding

Image may contain: 4 people, people sitting and table

Image may contain: 1 person


Ka hor intii aanay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa ka ambo bixin madaarka Cigaal International Airport, waxa socdaalka weftiga faah-faahin ka bixiyey wasiirka horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, isaga oo carrabka ku ballaadhiyey inay weftigu marti-qaad rasmi ah ka heleen dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta


Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan



Ilaysnews/Hargeysa Office

Info@Ilaysnews.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip