Gabadh 30 Jir Ah Oo Hindistay Shirkad Ku Fadhida $1 Bilyan Doolar + [ Akhriso ]

0
Friday January 12, 2018 - 16:26:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh 30 Jir Ah Oo Hindistay Shirkad Ku Fadhida $1 Bilyan Doolar + [ Akhriso ]

    London (Ilays-News):- Gabadha lagu magacaabo Melanie Perkings oo u dhalatay dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (Ilays-News):- Gabadha lagu magacaabo Melanie Perkings oo u dhalatay dalka

 Australia ayaa iyada oo 22 jir ah waxa ay curisay fikrad ganacsi oo iyada oo kale markaas suuqa ku yareyd.

Image may contain: 1 person, smiling, closeup



Waxa ay usoo duushay xarunta tijnoolajiyadda dalka Maraykanka ee lagu magacaabo Silicon Valley, halkaas oo ay la kulantay nin milyan dheer ah si ay fikradeeda ganacsi ugu qanciso in uu maalgashi ku sameeyo.


Ninka ay la kulantay ayaa lagu magacaabaa Bill Tai oo aad loogu yaqaano qalabta casriga, waxayna usoo bandhigtay fikradeeda, balse aad uma uusan danaynin, wuxuuse ku xirey dad kale oo fikradda daneeyay.


Fikaraddan ganacsi ayaa ahayd bog qofka caadiga ah u suurtogalinaysa in uu sameeyo naqshad kasta si wax loo daaboco, waxaana lagu magacaabaa Canva.


Muddo kadib ayuu Bill ku qancay fikradda Canva, islamarkaasna maalgashi ku sameeyay qudhiisa.


Maanta Canva waa shirkad xarunteedu tahay magaalada Sydney ee dalka Australia, waxayna ku fadhidaa qiimo dhan $1 bilyan oo doolar.


10 milyan oo qof ayaa isticmaasha bogga, kuwaas oo ku kala nool 179 dal oo adduunka ka mid ah. Waxaa la sheegay in 10 naqshadood lagu sameeyo boggan daqiiqad kasta.


Ilaysnews/Hargeysa Office

Info@Ilaysnews.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip