Abwaan Caan Ah Oo Ku Geeriyoodey Dalka Jabuuti + [ Waa Kuma ]

0
Friday January 12, 2018 - 16:24:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Caan Ah Oo Ku Geeriyoodey Dalka Jabuuti + [ Waa Kuma ]

    Jabuuti (Ilays-News):- Allaha Naxariistii jano hasiiyee Abwaan Cali Diiriye Cali(Cali-gaab),oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabuuti (Ilays-News):- Allaha Naxariistii jano hasiiyee Abwaan Cali Diiriye Cali(Cali-gaab),oo

hore uga mid ahaa hal-abuurka Soomaaliyeed ee dhinaca Suugaanta,tan iyo intii ka dambeysay Burburkii Soomaaliyana katirsanaa Ciidamada Jabuuti ayaa maanta ku geeriyoodey,Magaalada Jabuuti ee dalkaasi Jabuuti.

Image may contain: 1 person



Marxuumku waxa uu hore uga mid ahaa Abwaanadii Hobolada Waaberi,ee Heesaha Waddaniga ah alifaadooda u badnaa isagoo,burburkii Soomaaliya intii ka dambeysay u Wareegay Dalka Jabuuti islamarkaana, kamid noqdey Saraakiisha Ciidanka Milatarriga dalkaasi Jabuuti gaar ahaana Kooxda Xarbi oo uu Abwaan uga noqdey dhinaca Suugaanta Wadaniga ah Waxaanu,alifey mudadii uu Jabuuti joogay Heeso badan oo dhinaca Waddaniga ah iyo kuwa kale oo lagu taageerayo Madaxweynaha Jabuuti.


Marxuum Cali Diiriye Cali (Cali-gaab),ayaa lagu Xusuustaa heesihii uu alifey Wakhtiyadii uu Socdey Dagaalkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya Sida heestii ‘Hoheey Afrikaay Hurudooy Halyeeyadaadii Hurudooy Haadbaa Cunaayee Hurudooy’ ‘Waa Boqol Yuhuuduye’ iyo Suugaan kale oo badan.


Allaha ha u naxariistee Marxuumka ayaa lagu aasi Doonaa Magaalada Jabuuti Maalinta Barito ee Jumcaha ah Waxaanu u geeriyoodey Xanuun haleelay Sanadihii u dambeeyay.


Ilaysnews/Hargeysa Office

Info@Ilaysnews.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip