Soomaali Lagu Laayey Dalka Itoobiya Iyo Magaalada Hargeysa Oo Aanu Maanta Soo Galin Wax Qaad Ahi + [ Sababta ]

0
Wednesday September 13, 2017 - 19:47:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Soomaali Lagu Laayey Dalka Itoobiya Iyo Magaalada Hargeysa Oo Aanu Maanta Soo Galin Wax Qaad Ahi + [ Sababta ]

    Hargeysa (Ilas-News):- In ka badan toban qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay magaalooyinka qoomiyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Ilas-News):- In ka badan toban qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay magaalooyinka qoomiyadda

 

Oromadda, gaar ahaan magaaladda Hawaday oo ah magaalooyinka Jaadka laga soo raro ee dalka Itoobiya.


Soomaalidan la dilay ayaa u badan dad ganacsato iskugu jiray kuwo Jaadka ka ganacsada iyo kuwo xoolaha ka ganacsada kuwaas oo qaarkood ku noolaayeen deegaanadda Qoomiyadda Oromadda.


Illaa hadda si rasmiya looma sheegin sababta soomaaliddan loo laayey, hasse ahaatee dadka qaar waxay ku tilmaameen khilaaf deegaan oo u dhexeeya Soomaalidda iyo qoomiyadda Oromadda, kuwaas oo keentay in soomaaliddii ka dhex shaqaysanayey ay laayaan.



Dhinaca kale, magaalooyinka Somaliland ayaa saakay laga dareemay qaad la’aan soo waajahday ka dib markii soomaalidii u joogtay deegaanadii Qaadka laga soo qaadayey la laayay,isla markaana Oromadii jaadka beeraysay ku kacday soomaalidda, taas ayaa keentay in wax jaad ah laga keeno Itoobiya.


Ilaysnews/Hargeysa Office

Info@Ilaysnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip