Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Baarlamaanka Somaliya Oo Saaka Lagaga Hadley Arinta Qalbi Dhagax

0
Wednesday September 13, 2017 - 13:26:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Baarlamaanka Somaliya Oo Saaka Lagaga Hadley Arinta Qalbi Dhagax

    Moqdisho (Ilays-News):- Kulanka Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa saaka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Moqdisho (Ilays-News):- Kulanka Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa saaka

 

 furmay, iyadoo la guda galay ajandaha kulanka oo ah ka doodista qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.


Kulankan ayaa ku furmay jawi wanaagsan, waxaana shir guddoominaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Image result for Baarlamaanka SOomaaliya



Illaa 178 Xildhibaan ayaa soo xaadiray kulanka oo uu ku furmay kooramka baarlamaanka, sida ay soo sheegeen howl wadeenada Baarlamaanka.


Dooda Xildhibaanada ayaa durba bilaabatay, iyadoo ay is qoreen Xildhibaano fara badan, si ay kiiskan uga doodaan.


Guddoonka Baarlamaanka ayaa Xildhibaan walba siinaya waqti uu aragtiidiisa uga dhiibto, iyadoo mid mid loogu yeedhayo.


Xildhibaanada ayaa ah kuwo si aad ah ugu kala aragti duwan kiiska C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa mid labadii todobaad ee la soo dhaafay si aad ah u saameeyay howlihii hey’adaha dowladda.


Warar ku dhow dhow Baarlamaanka ayaa sheegaya in laga yaabo in marka Xildhibaanada dooda dhameeyaan in arrinta loo xil saaro Guddiga joogtada Golaha shacabka, halka warar kalena ay sheegayaan in kiiskan maanta lagu soo afjaro.


Dhinaca kale Xukuumadda Soomaaliya ayaa Baarlamaanka u gudbisay illaa 15 Hindise sharciyeed oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada, hase ahaatee waxaa laga hormaray ajandaha ka doodista arrinta Qalbi Dhagax.


Ilaysnews/Moqdisho Desk

Info@Ilaysnews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip