[Xasaasi ]:- Qado Sharaf La Qorsheeyey In Muuse Biixi La Yeesho Beesha Cabdi Ciise [ Ciidagale ] Oo Fashilmay Iyo Dagaal Goobta Ka Dhacay + Qaabka Ay Wax U Dhaceen + [ Sawiro ]

0
Tuesday September 12, 2017 - 21:35:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xasaasi ]:- Qado Sharaf La Qorsheeyey In Muuse Biixi La Yeesho Beesha Cabdi Ciise [ Ciidagale ] Oo Fashilmay Iyo Dagaal Goobta Ka Dhacay + Qaabka Ay Wax U Dhaceen + [ Sawiro ]

    Hargeysa (Ilays-News):- Ilo xog ogaal ah oo shabakada Ilaysnews.com ka soo gaadhay dad goob joog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Ilays-News):- Ilo xog ogaal ah oo shabakada Ilaysnews.com ka soo gaadhay dad goob joog

ah waxaa ay sheegayaan in maanta u fashilmay kulan qado ah oo la qorsheeyey in Muuse Biixi la yeesho Beesha Cabdi Ciise [ Ciidagale ] Iyo Bahahiisa


Kulankan Fashilmay oo ka dhacay Hotel City Bit ayaa waxaa lacagta qadada bixiyey Wasiir Cukuse sida ay xogahani sheegayaan isla markaana waxaa odayaasha iyo caaqilada markii marti qaadka loo sameynaayey loo sheegay in ay isku yimaadan kulan qado ah oo lagaga hadlaayo danta Beesha

Image may contain: 3 people, crowd and indoor



Balse odayaasha iyo wax garadka ayaa loo qariyey in Muuse Biixi goobta iman doono qadadana   loo bedeli doono kulan Muuse Biixi lala yeesho


Markii dhamaan odayaashii Hotelka soo galeen sida sawirkan sawre idinka muuqata qadadiina la bilaabay waxaa Hotelka Soo Galay Muuse Biixi oo uu wado Wasiir Cukuse taas oo odayaashii iyo wax garadkii ku noqotey yaab iyo fajax isla markaana waxaa goobtii ka bilaabmay buuq markii danbe dhaliyey gacan saar ka dhex qarxay dadkii goobta la iskugu keenay oo dhawr dhinac u kala jabay


Markii buuqii la xalin kari waayey Muuse Biixi ayaa waxaa uu odayaashii iyo waxgaradkii ku war galiyey in uu mar kale la kulmi la kulmi doono oo uu iminka hawl yeeshay , waxaana sidaasi ku baaqdey kulankan , Muuse na goobtii waa uu ka baxay 


Odayaashii iyo waxgaadkii ayaa waxaa ay markii danbe sawir ku galeen afaafka Hotelka halkaas oo ay la sawiran yahiin masuulyiinta xukuumada kaga jirta beeshaas sida sawirkan  hoose idinka muuqata 

Image may contain: 25 people, people smiling, people standing


Ilaysnews/Hargeysa Office

Info@Ilaysnews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip