WARBIXIN: Afar Waxyaabood Oo Aan Ka Baranay Kulankii Xalayto Ay Man United Ka Badisay Deriskooda Man City.

0
Thursday October 27, 2016 - 10:55:09 in Sports by Super Admin
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Afar Waxyaabood Oo Aan Ka Baranay Kulankii Xalayto Ay Man United Ka Badisay Deriskooda Man City.

    Manchester United ayaa u gudubtay wareega sideed dhamaadka kooxda EFL Cup ka dib markii ay ka badiyeen kooxda deriskooda ah ee Manchester City.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa u gudubtay wareega sideed dhamaadka kooxda EFL Cup ka dib markii ay ka badiyeen kooxda deriskooda ah ee Manchester City.

Juan Mata ayaa dhaliyay goolka ay United ku badisay ka dib baas uu ka helay Zlatan Ibrahimovic.

Hadaba waxaan eegeynaa afar waxyaabood oo aan ka baranay kulankii xalayto:

1. Jose oo ka baahi badnaa Pep.

Jose Mourinho and Pep Guardiola

Mourinho ayaa soo safay koox xoogan xalayto taasoo calaamad u aheyd sida uu ugu baahnaa guul ka dib ceebtii ka soo gaartay Axadii kooxdiisa hore ee Chelsea.

Waxa uu shaxdiisa ku sameeyay afar bedel laakiin afarta ciyaaryahan ee kala ah Marcos Rojo, Juan Mata, Michael Carrick iyo Luke Shaw ma ahan kuwa lala barbardhigi karo ciyaartoydii uu soo safay Guardiola.

Guardiola sagaal bedel ayuu ku sameeyay shaxdiisa waxaana uu fursad siiyay xiddigaha bilaa khibrada ah sida Pablo Maffeo iyo Aleix Garcia.

Aleix Garcia Serrano in action with Paul Pogba

2. Maffeo oo is tusay Pep Guardiola.

Pablo Maffeo ayaa noqon kara jawaabta uu Guardiola u raadinayo booska daafaca midig.

Guardiola ayaa dareensan inuu u baahan yahay daafac midig oo da’ yar sababtoo ah Pablo Zabaleta iyo Bacary Sagna 30 sanno ayay kor u dhaafayaan.

Laakiin qaab ciyaareedkii wacnaa ee uu Maffeo soo bandhigay kaliya kulankii labaad ee uu ku soo bilowdo shaxda City ayaa soo jeedineysa inuu noqon karo daafaca midig ee Sky Blues muddo dheer.

Willy Caballero in action

3. Waxaa la joogaa waqtigii uu nasan lahaa Zlatan.

Zlatan Ibrahimovic waxa uu u baahan yahay inuu nasto.

Ibrahimovic waxa uu u ciyaaray Manchester United kubad badan xilli ciyaareedkan, caadiyana waxa ay aheyd in la nasasiiyo kulankii xalayto.

Zlatan Ibrahimovic

Waa uu sii orod yarenayaa taasoo keentay in Jamie Carragher uu ku tilmaamo qaab ciyaareedkiisii qeybta hore midkii ugu xumaa waayihiisa ciyaareed.

Fasaxa uu galaya marka ciyaaraha caalamiga la aado ayuu dhararayaa in 35 jirkaan uu nasasiiyo jirkiisa.

4. Mata oo u muujiyay Mourinho inuu muhim yahay.

Juan Mata ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada uu u leeyahay Manchester United.

Mourinho waxa uu sheegay in Mata uu ku haboon yahay qaab ciyaareedka United marka loo eego sidii uu ku ahaa Chelsea markii uu isaga ka hoos ciyaarayay, islamarkaana uu xiddiga reer Spain dib ugu soo dhashay Old Trafford.

Waxa uu cadeeyay xalayto inuu yahay xiddiga ay United ka sugeyso natiijada isagoo dhaliyay goolkooda guusha inkastoo uu ka ciyaarayay garabka midig ee weerarka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip