Gollaha Deegaanka Caasimada Hargeysa Ma Yahay Mid U Qalma Maamulka Dawlada Hoose Mise Waa Ku Dul Saar……Xog Ururin Qaybtii 2aad

0
Thursday October 27, 2016 - 10:56:13 in Somali News by Super Admin
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gollaha Deegaanka Caasimada Hargeysa Ma Yahay Mid U Qalma Maamulka Dawlada Hoose Mise Waa Ku Dul Saar……Xog Ururin Qaybtii 2aad

    Muwaadin Tiro malaha Xilalka iyo waajibaad ay Dayaceen Golihii Deegaanka ee aynu dooranay iyo Hantida ay ku takrifalaa maalinkasta, Qaar kamida ood wada arkaysaan aan idin xusuusiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin Tiro malaha Xilalka iyo waajibaad ay Dayaceen Golihii Deegaanka ee aynu dooranay iyo Hantida ay ku takrifalaa maalinkasta, Qaar kamida ood wada arkaysaan aan idin xusuusiyo.
· Ilaalinta nadaafada iyo faya dhowrka Bulshada

(Puplic health sanitation and solid waste management ) aadbay u yar tahay waxa laga Qabtaa qurxin iyo bilicsanaanta magaalada Hargeisa waxaad ku arkaysaa magaalada wada kasta iyo dhinackasta oo aad uga baxdo xashiish tuulan ama daadsan wadada dhinaceeda

oo noockasta leh waayo Gollahii deegaanka aynu dooranay waxay Qandaraas ku siiyeen Shirkado yaryar oo faaiida doona (profit oriented) shuruud iyo (Criteria) ay buuxiyeen oo lagu Xushayna majirto aan ahayn Qabyaalad iyo dana gaara oo ka dhexeeye , shirkadahaasi waxay ka hawl galaan Degmooyinka iyo xaafadaha magaalada Gudaheeda cid la xisaabtamaysa iyo cid dababa socota oo ay kaba qayaana weynu arki lahayd , xashiishki wakaa Intuu kudaafadii iyo dariiqii soo dhaafay xaafahii inoohu soo galay
"gabadh ajaaniba ayaa intay Hargeisa ka yaabtay Dariiqa iyo Geedkasta Bacda iyo xashiish saaran ayey tidhi (Hargeisa Over Flowers) iyadoo u jeeda Ubaxa Hargeysi waa bacaha iyo xashiish hada waliba ha ilaabin Islaam baynu nahay , oo diinteena ayaa ina leh Nadaafadu waa imaanka badhkii xataa waxaad arkaysaa inaynaa Diinteena Fahmin Alle hayna fahansiiyo


Bulshadina Qadhmuunkaas khashinka iyo bulaacadaha wey iskala qabsadeen ileen kay u doorteen muu noqon kii ku haboonaa ( Cabdoo khalad Xisaab) bulshaduna khaladka badhbay leedahay , waxa ka dhacday fartaydaan eeday . waxa kale oo aanay bulshadu Fahansaneyn inay Awooda ugu Saraysa leeyihiin oo haday maanta ka horyimaadaan aanu shaqeyn Karin Gollaha Deeganka Hargeisa .

Samaynta Waddooyin iyo Buundooyinka (Building Roads and Footbridges)

· Waxa aan inaga qarsooneyn in wadooyinkii magaalada Hargeysa burburka,Godadka iyo ciidi buuxisay ee ilaa hada ay maareyn karilaayihin cidii masuuliyadeeda lahayd taas oo dhib weyna ku haysa bulshada iyo Gaadiidka oo Godadka iyo burburkaasi ay mararka qaarna sababaan Shilal dhaawac iyo dhimashoba .

· Maamulka D/Hoose markasta waxay inoo sheegaan inay dayac tirka wadooyinka burburay lacag badani kaga baxdo buuxbuuxintooda oo kaliya maalin walbana ay ku mashquulsan yihiin ,maalmo gudahoodna buuxbuuxiskii Taayirka baabuurta ayaa qaata hana dib ayey buuxiskii u bilaabaan handana Taayirka ayuun baa qaada , taasi waa indhasarcaad Bulshada latusayo oo ah Qawda maqashii waxna hawqaban ilaa maanta waxay garan laayihiin Qorshayaal Sameysaan maalinba waddo awooda iskugu geeya Quality leh oon 10 sanadood dayactar u baahandoonin . kolay sidan imika si kastaa wey dhami lahayd kharashna badana uu inoo badbaadi lahaa halkaas miyeynaan ka arkayn aqoonta iyo khabrad la,aan weyni ee taal Golahii Deegaank ee aynu dooranay

· Dhinaca kale wadooyinka xaafadaha dhexdooda mara ee bulshadu lacagta ay iska uruuriyaan Dawlada Hoose waxay u sameeyaan wadooyin Tayadoodu liidato, waxaana ku kalifa aqoon la,aan, daacadnimo la,aan iyo farsamo xumaan badan, inyar ka dibna roobka ugu horeeyaa ayaa qaada wadadii ama dhinac buu ka faruura ileen Meel biyuhu maraan wadada looma sameynine qorshaha uguma jirto .

wadooyinku waa waxa ugu mihiisan ee bilicda ,Quruxda iyo humarkaba magaalada iyobulshada sameeya .

Sharciyada Dhulka iyo Dhismayaasha (Regulation of land and use construction Building)

Waxa kor u sii kacaya isku qabsiga Dhulka Magaalada Hargeisa maalinba maalinta ka dambeysa mararka qaarna sababa dhimasho iyo dhaawac ,waxa ugu badan ee keena isku qabsiga dhulka waa Musuqmaasuq iyo Maamul xumo baahsan iyo nidaam la,aanta ka jirta DDH waxaad arkaysaa hal baloodh ama hal baloog oo 2 file oo sharciya laba qof u kala haystaan labada file ba hal xafiis bay kawada baxeen .Xafiiska xalinta khilaafaadka dhulka ee DHH maaha mid wax xaliya ama dhameeya ee waa (Infinitive ) . Dacwoodaha dhulka iyo dacweysanahaba mararka qaar waxa laka safta Xildhibaanada Golaha Deeganka hab Qabiilnimo ama Dana gaara oo ay raacanayaan (individual interest ) dadka jilicsan iyo Masaakiintu iyaga waa lajiidhaa markaba waana kuwa luugu jecel yahay in Beerkooda ladubto (Miskiin baa Misko lafuulo leh) ma tirin karno inta kiis ee mucjisada kugu noqonaya ee Mid walba ka kale ka daran yahay , waa yaabka yaabkii . waxa ugu badan ee Bulshada Reer Hargaisa ka caban jireen waxay ahayd Maxkamadaha iyo DDH cabdashadii Maxkamaduhu hoosbay u dhacdey ,Halka cabashadii iyo murankii dhulku kor u sii kacayo.

Dhulka Danta Guud

Macnaha dan guud waa wax umada oo dhami wada leedahay cid gooniya oo ku tasarufi kartaana ma jirto sharci u banaynayaana majiro mid Islaam iyo sharcigaynu dhiganay toona

bal eeg siday Dawladihii islaamku maamui jireen danta guud.

· Waxa dhacday Xiligii Abu Bakar RC Imaamka ka ahaa Dawladii Islaamka ayey u yimaadeen 3 nin oo Ganacsataa ah oo dawladii muslimiinta caawin jiray waxay Abu Bakar weydiisteen inuu siiyo Dhul Seeraa oo dan guuda Dawlada islaamkuna lahayd Abu Bakar RC waxa uu kala tashaday Asxaabtii markaa ak fadhiday ee Madaxda ahayd iska sii bay kula taliyeen asxaabtina Abu Bakar waraaq buu u qoray dhulkii danta guud ahaana uu siiyey lakiin waxa uu ku yidhi Cumar Binu Khadaab RC lasii mara Waraaqda , nimankii Ganacsatada ahaa Cumar bay u tageen isagoo Cajiin Gacmaha kula jira waxay waydiiyeen Cumarow waraaq baanu kuu sidnaaye miyaanu kuu akhrinaa mise adigaa akhrisan oo waanu kaaga tagnaa Maya ee akhriya ayuu yidhi Markay u akhriyeen waxa uu layaabay 3 nin baa la siiyey dhulkii seeraha ahaa ee Islaam , waraaqdii intuu ka qaaday ayuu jeexjeexay iyagiina iska taga ayuu ku yidhi Cumar markiiba Abu Bakar ayuu u yimi waxa uu weydiiyeyma adaa leh dhulkan Seeraha ah Islaamka ee aad siisay Nimankan Ganacsatadaa waxa uu Abu Bakar ugu jawaabay Cumaroow waxaan kala Tashaday asxaabtan Ila joogta Cumar waxa uu ugu jawaabay hadaad kala tashadatay asxaabtan joogta miyaad kala tashatay umada Islaamka oo dhan ee Seeraha wada leh ,Abu Bakar RC uu garaabay waxaanu yidhi Cumaroow miyaanan ku odhan waa lay soo jiidhayaa anigee Maalkan Umada islaamka Adigu maamul. Danta guud sidaa suu Islaamku u ilaalin jiray

· Waxa xusid mudan in aynu markasta maanka ku hayno sida uu dhigayo Dastuurka Qaranka Jamuuriya (dhul qof looga qaaday Danguud la siin Karo qofkale dan gaara ) dastuurkuna Somaliland Ma Ogala

· Lama raaco lamana dabakho xeerka dhulka ee xeer N0 17.2001 ee sheegaya

Dhulka danta guuda ah ee laga jaro qofkale oo dhul loo qorshaynayo in xaafadaa ama degmada uu ku yaalo in looga dhiso ama loosii Qorsheeyo kuwan hoos ku qoran:

a) Goobo cibaadada (masaajiido iyo malcaamado)

b) Goobo waxbaraasha waxbarashada (noocyada kala duwan ee Dugsiyada iyo Jaamacadaha)

c) Goobo Caafimaadka (Cisbitaalada iyo MCH)

d) Saldhig Boolis iyo Xabsiyada

e) Goob sariibadeed

f) Goobo Garoono ah oo caruurtu kubada lagu ciyaaro

g) Goobo Xabaalo ah

Waxaynu wada ognahay oo shakina inagaga jirin in sidaa si kaduwan loo isticmaalo islamar ahaantaana xaafad kastaa oo la qorsheeyo aan luugu talagalin loona reebin dhamaan danta guud adeegyadii loogu talagay ee aynu kor ku xusnay wixii looga jaray xaqlihii lahaana, cid gooniya ayaana ku takrifasha .

Bulshooy min qiyaaska ugu yar ee aan idin tusi karaa waxa weeye afarta gees ee magaalada Xabaalo ayaa ku yaala markay mid Buuxsan taba Masaajidada iyo Goobaha cibaadada ee iidaha laysugu yimaado ayaa laga yaboohiyaa oo umada lacag lagaga u ruuriyaa si xabaal loogu ii biyo markay tii hore buuxsan tay , cidii u xilsaarnayd ee u iibin lahayd ama Dhulkaas Danta Guuda ee maalin walba la qorshaynaayo ee Kiiloo mitirida ah (km) Xabaal baa ugu yaroo looma reebo qorshaha iyo Taladana uguma jirto Goolaha Deeganku ee aynu dooranay tolow iyagu miyaanay Ogayn Siday Guryaha Aduunyada u dhisanayaan uguna werweryaan inay halkii iyaga iyo Bulshada ay xilka u hayaanba lagu Aasi lahaa inay diyaariyaan . BAL ADBA .

Goolihii Deegaanka ee aynu dooranay Mudada Afarta sano ah ee ay joogeen Wixii dhul la Qorsheeyey meel dhul loo Reebay maynu arag iskadaa Intay joogeene Goolihii Deegaankuye ee Golihii ka horeeyey ee Maayar Jiciir Hogaaminayey Dhulkii Danta Guud ahaa ee ay ku wareejiyeen Golahan hada jooga waa laboobay oo la qaybsaday markay dhameeyeen keenii ayey galeen kii hayada Caalamigaa inkastooy iibsadeen Dhul badan oo haayada caalamigii lahaayeen sidii dhulkii FOA ee Degmada Mohamoud Haybe ku yaalay ee lacunay ayey is idhaadeen ku dara Dhulkii WFP lahayd ee ahaa (UN PROPERTY) ee kuyaalay xaafada A/dhagax ee ku yaalay masalaha watii Dirqi lagaga gaadhay qayladii ka dhacdayna lawada Ogaa kolay markaas Ciinbay daaqeen.

Fiiro Gaara : (Rag wax uu karo ayuu reer ka dhintaa bay somalidu tidhaa DHH waxay karto ayay Hargeysi ka dhimanaysaa bal eega waxa shaqadooda ah ee aan laga hayn

· Sameynta iyo dajinta calaamadaha Nabadgalyada wadooyinka

· Sameynta Tirarka laydhka wadooyinka (street Lights)

· Tirikoobka diwaangalinta iyo numberada Guryaha

· Sameynta Argooyinka Nasashada Magaalada gudaheeda sida meelaha (Bus Station)

· Diwaangalinta Xabaalaha iyo Dhalasha (Vital Statistics within Registration of Death & Berth )

Lasoco Qaybaha Danbe

Mustafe Ismail Abdi

MP Candidate

Mustapha20024@yahoo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip