Pep Guardiola Oo Shaaciyay In Vincent Kompany Uu Daal Dartiis La Ciyaari Waayay Qeybtii Labaad Ee Kulankii Old Trafford.

0
Thursday October 27, 2016 - 10:49:00 in Sports by Super Admin
  • Visits: 408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pep Guardiola Oo Shaaciyay In Vincent Kompany Uu Daal Dartiis La Ciyaari Waayay Qeybtii Labaad Ee Kulankii Old Trafford.

    Pep Guardiola ayaa shaki cusub geliyay mustaqbalka Vincent Kompany ka dib markii uu shaaciyay in daafaca dhexe uu daal dartiis la ciyaari waayay qeybtii labaad ee kulankii xalayto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Pep Guardiola ayaa shaki cusub geliyay mustaqbalka Vincent Kompany ka dib markii uu shaaciyay in daafaca dhexe uu daal dartiis la ciyaari waayay qeybtii labaad ee kulankii xalayto.
Guardiola ayaa sheegay in Kompany la bedelay waqtigii nasashada ee kulankii ay guuldarada 1-0 ka soo gaartay Manchester United sababtoo ah kabtanka City ayaa sheegay inuu aad u daalay isagoo isku dayaya inuu ka soo laabto dhaawac gumaarka ah.

Tababaraha City Guardiola ayaa yiri: "Waxa uu inoo sheegay inuu daalay oo uusan diyaar u aheyn inuu ciyaaro qeybta labaad.”

Guardiola ayaa sidoo kale sheegay inuusan wax qoomamo ah ka qabin inuu ku ciyaaray shax liidata. City waxaa soo martay lix kulan oo bilaa guul ah waana markii ugu horeysay ee ay ku dhacday tan iyo December 2008, Guardiola ayaana yiri:


"Wax qoomamo ah ma qabo. Hambalyo ayaan leeyahay United, waxa ay soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican. Waan ku faraxsanahay ciyaartoydeena da’da yar.

"Kama fekerayo inaan wax bedelo. Mararka qaar waa ay dhacdaa kubada cagta in tababaraha uusan kulamada qaar badinin.

"Waa markii ugu horeysay waxaana rajeynayaa inaysan mar kale dhicin. Laakiin waa qeyb ka mid ah shaqadeena, mararka qaar waad badineysaa mararka qaar waad guuldareysaneysaa.”

PROMOTED CONTENT
by Mgid



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip