Agaasimaha Duulista Oo Cabsi Uu Ka Qabo In Xilka Laga Qaado Darteed U Ban Baxay Olalaha Xisbiga Kulmiye + Shaqadii Uu Qaranka U Hayey Oo Uu Hilmaamey

0
Wednesday April 26, 2017 - 19:06:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Duulista Oo Cabsi Uu Ka Qabo In Xilka Laga Qaado Darteed U Ban Baxay Olalaha Xisbiga Kulmiye + Shaqadii Uu Qaranka U Hayey Oo Uu Hilmaamey

    Hargeysa (Ilays-News):- Agaasimaha guud ee wasaarada Duulista iyo Hawda Somaliland Cumar Sayyid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Ilays-News):- Agaasimaha guud ee wasaarada Duulista iyo Hawda Somaliland Cumar Sayyid

ayaa waxaa uu cabsidii ugu weynd uu ka qabaa in xilka laga qaado isla markaana uu ka mid noqdo masuulyiinta ay la tagto seefta madaxweyne Siilanyo .

Image may contain: 3 people



Masuulkan ayaa si uu arintaas si uu uga gaashaanto waxaa uu xod xodasho uu ka soo istaadhey dhinca xisbiga Kulmiye si aan xilka looga qaadin isla markaana waxaa uu u ban baxay olalaha xisbiga Kulmiye iyo in uu ka soo muuqdo fagaarayaasha siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye .

Sidoo kale agaasimahan ayaa waxaa uu u muuqda in uu noqdey masuul hilmaamey in uu yahay shaqaale dawladeed balse aanu aheyn shaqaale xisbi .


Dhinca kale agaasime kasta oo maamula mid ka mid ah wasaaradaha dalku waxaa uu uu yahay shaqaale dawladeed isla markaana waa masuulka ugu sareeya ee gacanta ku haya maamulka wasaarada uu agaasimaha ka yahay , waana masuul aan u magacaabneen mansab siyaasadeed sida wasiirka oo kale


Hadaba olalahan cad ee uu agaasimaha Duulistu xisbiga Kulmiye u bilaabey ayaa waxaa ay u muuqdaan qaar uu agaasimuhu ku ilaashanaayo xilkiisa agaasime oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay soo baxayeen warar sheegaya in masuulkan uu ka mid noqon doono masuulyiinta ay la tagteyso seefta madaxweyne Siilanyo .


Ilaysnews/Hargeysa Office

Info@Ilaysnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip